Guri Magaalada Muqdisho oo ka dagi rabay Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo saaray miinooyin qarxa.
Hooy uu dagi rabay Taliye Cali Gaab oo miinooyin ay ka qarxeen
Guri Magaalada Muqdisho oo ka dagi rabay Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo saaray miinooyin qarxa.
Gurigaan oo Cali Gaab uu dagi rabay oo ku yaala nawaaxiga halka loo yaqaan Villa Baydhabo ee Degmada Wadajir, ayaa ciidanka Booliiska waxa ay kasoo saareen miinooyin oo qaarkood la qarxiyay.
Cali Gaab oo ka hadlay amuurtaan, ayaa wuxuu sheegay in miinooyinka ay ahaayeen kuwa daxaleestay oo gaaraya lix xabo, wuxuuna sheegay in ugu yaraan ay ku jiraan sanadooyin oo xilligii maxkamada la dhihi karo.
Wuxuu sheegay in hada aysan aheyn miinooyinkaan saddex kamid ahna ay qarxiyeen halka saddexda kalena iminka la qarxinayo.
Goobaha ay ka agdhaw yihiin Milateriga ayaa waxaa ku aasan haraadiga waxyaabaha qarxa oo suuragelin kara dhibaatooyin ka dhasha waxyaabahaasi qarxa.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan