Kulan ay wada qaateen madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole iyo madaxwaynihii hore ee Punland Gen.Maxamuud Muuse Xirsi ayaa ugu danbayntii kusoo dhamaaday is-fahan iyo hehiis wanaagsan.

Labada masuul ayaa waxaa dhex-dhaxaadintooda ka qayb galay Nuuradiin Aadan Diiriye oo ka socday xafiiska QM ee Somalia,waxana la sheegay in ay muhiim tahay doorashadda soo socota in si wanaagsan oo hufan looga wada qayb galayo,wixii khilaaf iyo xumaan ahna meel la iska dhigo.
Farole iyo Cadde ayaa ku kala aragti duwanaa arrimaha la isku hayo ee soo magacaabista guddiga xalinta khilaafaadka,wuxuna ugu danbayntii isla meel dhigeen inay wax kasta laga hormariyo danta guud ee shacabka reer Puntland.
Kulankan ayaa ku qabsoomay xarunta madaxtooyadda Puntland ee Garowe.
Labaddooda iyo Nuuradiin Aadan Diirie Saxaafadda ayay si wada jir ah ula wada hadleen,goor dhow filo codadka iyo sawiradda kulanka.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments