ku dhawaad 10-qof oo u badan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayna ku jiraan labo sarkaal ayaa ku dhintay Weerarada Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Iridka Guriga uu dagan yahay Xildhibaan Cabdi Wali Maxamed Qanyare Afrax iyo Hoteel Jazeera oo labaduba kuyaala Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Qaraxyada Ismiidaaminta ah ayaa la doonayay in siyaabo kala duwan loogu qaado Guriga uu Dagan yahay Xildhibaan Cabdi Wali Maxamed Qanyare Afrax iyo sidoo kale Hotelka Jaziira oo isna aan ka fogeyn guriga Xildhibaanka.
Mid kamid ah Qaraxyada gaadiidka loo adeegsaday ayaa ka dhacay Iridka Guriga Xildhibaanka sida aad ka arki kartaan Sawiradan waxaana gabi ahaan bur bura qeybo badan oo kamid ah Dhismaha Guriga uu Xildhibaanka dagnaa.
Xildhibaan Cabdi Wali Qanyare oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarkii xalay uu ahaa mid isaga iyo Hotelka Jaziira labadaba bartilmaameed u ahaa balse fashilmay.'
'' Adeer waxaan kuu sheegayaa Weerarkii xalay waxa uu ahaa mid naf halaagnimo ah oo fashilmay laguna soo weeraray Gurigeyga iyo sidoo kale Hotelka Jaziira , ilaahna waa iga bad baadiyay Weerarkaasi bahalnimada ah '' ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Wali Qanyare.
Weeraradaasi waxaa sheegtay Masuuliyadeeda kooxda Shabaab oo maalma kahor soo dirtay fariima goodin ah oo ku wajahnaa hoteelada iyo goobaha ay ku badanyihiin saraakiisha iyo Masuuliyiinta dowlada Soomaaliya.
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments