Cali Khaliif: Madaxweynaha wuxuu ka dalbaday RW Saacid inuu is-casilo, isagana waa diiday

Published on 12 November 2013 at 15:24

Prof. Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dalab uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u gudbiyay Ra'iisul Wasaare Saacid oo uu kaga codsanayay inuu keeno warqada istiqaalada iscasilaadiisa, wuxuuna Cali Khaliif uu sheegay in arintani ay horseedi doonto khilaafyadii horay loogu bartay dowladdihii KMG.

Mudada sanadka ah ee ay jirtay Xukuumadda Dr. Saacid ayaa waxay ku dhisneyd wada shaqeyn iyo in Madaxda dalka ahaayeen kuwo ka duwan madaxdii hore ee khilaafka looga bartay.

Xildhibaan Cali Khaliif ayaa sheegay in uu la kulmay Ra'iisul Wasaare Saacid isla markaana u sheegay in Madaxaweynaha uu ka dalbaday inuu iscasilo soona gudbiyo istiqaalad.

"Dooda labada dhinac waxay tahay, Madaxweynaha wuxuu warsaday Ra'iisul Wasaaraha inuu is casilo, Ra'iisul Wasaarahana markaas jawaab ma bixin shalay xalay buu jawaab rasmi ah dhiibay oo yiri isma casilayo" Sidaasi waxaa BBC-da ku yiri Cali Khaliif Galeyr.

"Madaxweynaha ma arkin, laakiin Ra'iisul Wasaaraha ayaa arkay xalay mida uu nagu yiri waxay aheyd, Madaxweynaha iyo aniga kalsooni buuxda isku qabnay, waxaa ku tala jiray dowladda in la shaandheeyo, waxaa madaxweynaha u gudbiyay liis dowladda cusbeyd ah, wuxuu ku yiri liiska iyo dowladda sheegeysay halkan naga dhig arrinta kale ee is casil, wuxuu ii sheegay in Madaxweynuhu ku yiri xushmo iyo kalsooni badan baa ku tusay inaan ku magacaabo hadana waxa jeclaan lahaa inaad keento is casilaada"ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ahaa Xildhibaanadii la kulmay Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Cali Khaliif wuxuu sheegay in xiligan ay aheyd in laga gudbo isjiid jiidka siyaasadihii horay dalka u soo maray, maadaama dalka uu galay dib u dhis, arintani ay keeni doonto in dib loogu laabto wixii horay looga soo gudbay.

Wuxuu ku taliyay in Madaxda sare ee dalka ay xal ka gaaraan arintan oo waqti danbe lagu dhumin raadinta Ra'iisul Wasaare cusub iyo kalsoonidiisa oo inta laga raadinayo Baarlamanka ay qaadaneyso waqti kale.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee ku dhow dhow Ra'iisul Wasaare Saacid iney ku dhawaaqi doonaan saacadaha soo socda iney is-casileen.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.