Xukuumadda oo ka tacsiyeysay geerida marxuum Dhuub Aadan

Published on 10 November 2013 at 11:57

Ra'iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam , Wasiiru dowlaha, Wasiir kuxigeenada Wasaaradda ,Xoghayaha joogtada , agaasimayaasha guud,agaasimayaasha waaxyaha,

 

Safiirada,Qunsulada iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan eheladda,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allah u naxariistee Abdulkadir Aden Ali  ” Dhuub” oo 08 November 2013 ku geeriyooday qarax ay abaabuleen kooxda nabad-diidka ah oo ka dhacay afaafka hore ee Hotel Makka Almukarama ee Caasimadda Muqdisho.

Marxuum Abdulkadir Aden Ali  ” Dhuub” waxa uu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadda dabayaaqadii sanadkii 2009, isagoo loo magacaabay  Xiriiriye diblomaasiyadeed  (Liaison Officer- LNO-), waxaana uu u xilsaarnaa  xiriirinta dowladda Soomaaliya iyo UK , kahor inta aaney labada dowladood saxiixan Xiriir laba geesood ah.

Marxuum Dhuub Ali  oo da’diisu aheyd 51 sano-jir, ayaa waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo caruur  .
Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.

INNAA   LILLAAH  WA  INNAA  ILEYHI  RAAJICUUN 

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb