Guddoonka baarlamaanka oo markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka kadaxweynaha iyo r/wasaaraha

Published on 14 November 2013 at 10:27

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka soo shaac baxay ee Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha u dhaxeeya, kaasoo salka ku haaya iscasilaada uu Madaxweynaha ka dalbaday R/wasaaraha.

 

Prof. Jawaari ayaa sheegay in khilaafkaani uu yahay mid jiro isla markaana xalintiisa lagu dhameyn doono gudaha dalka, iyadoo aan dibada laga doonin xal, sidii Madaxdii KMG ee horay isu soo khilaafeen, kuwaasoo xal ka raadin jiray dibada.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay in xaalku sidii hore uu iska badalay, mana jiri doonto buu yiri in ajaaniib xal laga raadiyo.

"Dalku Dastuurr ayuu leeyahay, xaalkuna sidii hore maahan, oo dibada looga imaan jiray ama loo aadi jiray in la xaliyo khilaafka madaxdeena" ayuu yiri Prof. Jawaari oo rajo ka muujiyay in xal loo heli doono arintan.

Dhinaca kale waxaa xarunta Madaxtooyada ka socda shirar kala duwan iyo dadaalo loogu kala dab qaadayo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul Wasaare Saacid, walow uu Madaxweynaha ku dhegan yahay in uu iscasilo Saacid, halka isagana uu doonayo in uu soo dhiso xuukmad cusub oo uusan xafiiska ka tegi doonin.

Ilaa Ilaa 20 Wasiiro iyo Wasiir kuxigeeno isugu jira ayaa maanta kula taliyay Ra´iisul Wasaaraha inuu iscasilo, hase ahaatee wuxuu ka dalbaday in waqti uu kaga tashto siiyaan, isagoo ku wargeliyay in arrimaha la isku haayana ay xalkeeda ku jirto Baarlamaanka oo la hortago.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb