Musharaxa Madaxweynenimo ee Puntland Cabdiweli Gaas oo horay u soo qabtay xilka Ra'iisul Wasaarenimo ee Soomaaliya ayaa digniin uu soo saaray wuxuu ku sheegay in aan doorashada Puntland aysan u baaqan amni daro.
adalka Musharax Cabdiweli Gaas ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii gaari ciidamadiisa ilaalada ah lagu weeraray agagaarka degmada Burtinle, weerarkaasi oo ay geysteen ciidamo ka tirsan Puntland oo laga soo amray Madaxtooyada Garoowe.
Qoraal uu soo saaray Cabdiweli Gaas ayuu wuxuu ku sheegay in doorashada Puntland ee Janaayo aysan u baaqan amaandaro, loona baahan yahay in laga hortago.
"Waxaan ka digeynaa in Doorashadaani aysan noqon Doorashadii Labaad ee Amni Darro Awgeed loo baajiyo. Waxaan ugu baaqayaa Shacabka reer Puntland oo ay ugu horeeyaan Issimada, Siyaasiyiinta, Aqoon yahanada, Culimada, Haweenka, Dhalinyarada iyo Murashaxiinta in ay kala shaqeeyaan Ciidamada Amniga sidii Puntland Amnigeeda"ayuu ku yiri Gaas qoraalkiisa.
"Ciidanka Amniga ee Puntland waxaan ugu baaqayaa in ay ka feejignaadaan inaan loo isticmaalin siyaasad guracan, balse ay ku dhiiranaadaan ilaalinta iyo dhowrista amniga sidii hore looga bartay".
Sidoo kale wuxuu ugu baaqyay hoggaanka Wakhtigiisii dhamaaday in ay dhowraan sharciga, isla markaana ay joojiyaan falalka amni darrada ah, kana shaqeeyaan Maslaxadda Guud, Ciidanka Amnigana loona isticmaalin in lagu caburiyo Murashaxiinta, Saxaafadda, Shirarka wax qeybsiga beelaha, Shirarka Issimada, laguna boobin hantida gaarka loo leeyahay.
Baaqaan ayaa kusoo beegmaya xili ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ay weerar ku qaadeen gaari tikniko ah oo Musharax Cabdiweli Gaas taageersan isla markaana ay qaarkood gacanta ku dhigeen ciidamada laga soo diray Garoowe, kuwaasi oo gacanta ku dhigay qaar ka tirsan ciidamadii loogu talagalay iney sugaan amaanka musharax Cabdiweli Gaas.
qawmedia.com
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments