Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya Dr. Tedros Adhonom oo maanta diyaarad gaar ah kasoo dejisay garoonka Muqdisho.
Madaxweynaha iyo Dr. Tedros Adhonom ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, la dagaalanka Argagixisada Al-Shabaab iyo arimaha shirka dib u heshiisiinta jubooyinka.
Dr. Tedros Adhonom ayaa beri la filayaa inuu ka mid noqdo wafdiga ka qeybgali doona xeritaanka shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo maanta dib u dhac uu ku yimid xeritaankiisa.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments