Maxkamada darajada Koowaad ee ciidamada qalabka Sida ee Puntland ayaa maanta xukuno dil iyo xariga ah ku riday eeday sanayaal ku eedaysnaa falal ku aadan in dhac iyo dil ka gaysteen Xawaalada Kaah iyo waliba suuqa dahabka ee magaalada Bosaso .
Maxkamada darajada Koowaad ee ciidamada qalabka Sida ee Puntland ayaa maanta xukuno dil iyo xariga ah ku riday eeday sanayaal ku eedaysnaa falal ku aadan in dhac iyo dil ka gaysteen Xawaalada Kaah iyo waliba suuqa dahabka ee magaalada Bosaso . |
Maxkamada ayaa ugu horayn dhagaysatay soo gudbinta eeda ku aadan ragii dhaca iyo dilka ka gaystay Xawaalada Kaah ee magaalada Bosaso taarikhdu markay ahayd 27/03/2013 . Soo gudbinta eeda ee xeer ilaaliyaha iyo isdifaacida eedaysanayaasha iyo qareenadooda kadib waxa ay si rasmi ah maxkamadu ugu dhawaaqday xukunada ay kuriday eedaysanayaashaasi. Magacyada Eedaysanayaasha Dhacay Xawaalada Kaah Iyo xukunada Lagu Riday. 1-Farxaan C/qaadir Xasan(Ina-Dabliq) oo 30jir ah waxa lagu xukumay Dil toogasho. 2-C/Fataax Duraan oo maqane ah waxay maxkamadu ku riday dil toogasho ah . 3-Maxamed Nayl oo isna maqane ah maxkamadu waxa ay ku riday dil toogasho ah . 4-Jamaal C/nuur oo isna kooxdaasi saadka uqaabilsanaa maxkamadu waxa ay ku riday 10sano oo xarig ah. 5-C/Xaafid oo isna joogay goobta xukunku kadhacayay ayay maxkamadu ku riday 8 bilood oo xarig ah. 6-Maxamed C/laahi Cabdi waxay maxkamadu u soo celisay xoriyadiisa maadama wax danbi ah lagu waayay. 7-C/qaadir Xasan Dabliq oo ah Aabaha dhalay Farxaan maxkamadu waxa ay usoo celisay xoriyadiisa maadama horay loogu haystay baxsashada uu baxsaday wiilkiisa . Labadii Nin ee lagu dhaawacay xawaalada Kaah maxkamadu waxa ay ku xukuntay saddexda nin ee xukunada dilka ah lagu fuliyay . Intii uu socday howlgalka lagu soo qabanayay Farxaan waxa dhaawacyo ay soo gaaren laba askari oo katirsan ciidanka Puntland waxana dusha laga saaray dhaawacyadaasi Farxaan . Hantidii laga dhacay xawaalada Kaah shirkadu waxa ay ku xukuntay in ay bixiyaan saddexda dambiile ee kala ah Farxaan C/qaadir Xasan(Ina-Dabliq),C/Fataax Duraan iyo waliba Maxamed Nayl . Waxaa xusid mudan in Farxaan C/qaadir Xasan(Ina-Dabliq) uu cadaystay in uu gaystay falkaasi isagoo kahor cadeyay maxkamada in labada maqane ee kala ah C/Fataax Duraan iyo Maxamed Nayl ay qayb kala ahaayen ragii falka dhaca iyo dilka ah ka gaystay Xawaalada Kaah ee Magaalada Bosaso. Dhinaca kale Maxkamadu waxa ay xukuno dil iyo xarig ah ku riday dadkii loo soo qabtay dhacii iyo dilkii 21-10-2013ka kooxo hubaysani ka gaysteen suuqa dahabka ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Magacyada eedaysanayaasha dhaca iyo dilka kagaystay Suuqa Dahabka iyo Xukunada lagu Riday. 1-C/raxmaan Cumar Dhaaye Maxkamadu waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah. 2-Maxamed Foows Cartan Maxkamadu waxa ay ku xukuntay 10 sano oo xarig ah maadama uu yahay wiil yar oo 15sano jir ah oo la khalday. 3-Khaliil Cumar Dhaaye oo ah walaalka C/raxmaan Cumar Dhaaye maxkamadu waxa ay ku xukuntay 5 sano oo xarig ah iyo in uu soo celiyo qorigii uu walaalkiis ku gasytay falka dilka iyo dhaca ah. 4-Roodo C/laahi Cige oo ah hooyada dhashay C/raxmaan iyo waliba Khaliil maxkamadu markii ay wax kuwayday dib ayay xoriyadeeda usiisay.
Maxamed Xirsi Jabra Jabra444@gmail.com
QAWMEDIA.COM |
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments