Madax uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaliya Xasan Skeekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay xaflad weyn oo iskugu jirtay xuska Jamhuuriyadda Turkey iyo daah furka wadada tareenkii ugu horeeyay ee badda hoosteeda mara.
Xafladdaas waxaa ka qeyb galay madaxweynaha dalka Turkey Abdullah Gül, Ra’isul Wasaare Recep Tayyip Erdogan, afhayeenka Baarlamaanka Cemil Çiçek, Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaaraha Japan Shinzo Abe, madaxweynaha Romania Victor Ponta, Wasiirka gaadiidka badda, isgaarsiinta iyo warfaafinta Binali Yildirim, duqa magaaladda Istanbul Kadir Topbas iyo guddoomiyaha gobolka Istanbul Hüseyin Avni Mutlu iyo safiirada dalalka caalamka u jooga dalkaas.
Madaxweynaha Soomaaliya si gooni ah ayaa loo sharfay, wuxuuna ahaa madaxweynaha kaliya ee laga marti qaaday caalanka Islaamka iyo weliba qaaradda Africa.
Furitaanka mashruuca tareenkan oo lagu magacaabo Marmaray oo isku xiridoona labad qaaradood ee Yurub iyo Asia waxaa ku baxay adduun lacageed oo gaaray 2.8 billion oo dollar, waxayna dalka Turkey u tahay riyo u romoowday, madaama 150-sanadood ka hor ay dowladdii Islaamka ee Ottaman ee ka talin jirtay dalka Turkey ay ku fikirtay qorshahaas.
"Mashruucan waa riyo noo rumowday,150 sano ka hor ayaa lagu fikiray, waana taariikh iyo qiimo ay dunidu nala wadaagi doonto" ayuu yiri Ra'isul Wasaaraha Turkey Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlayay xafladii furtaanka mashruucaas.
Tareenkan waxaa maalinkii raaci doona 1.million oo qofood, wuxuuna u kala gooshi doonaa magaalooyinka Ayrilikçesme, Üsküdar, Sirkeci, Yenikapi ee qaaradda Asia iyo dhinaca Yurub ee magaaladda Kazliçesme, wuxuuna buuqa iyo saxmadda ka yareyn doonaa maaaladda Istanbul.
Madaxtii ka soo qeybgashay xafladda oo ka mid ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tareenkan u raacay dhowr magaalo, waxaana Ra'isul Wasaare Erdogan uu ku dhawaaqay in 15-ka maalmood ee ugu horeysa lacag la'aan lagu raaci doono tareenkan oo loo duceeyay intii uusan dhaqaaqin maanta.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments