Dowladda Ingiriiska oo Safiirka UK ku wareejisay Calanka Soomaaliya oo 22 sano keydineysay

Published on 13 October 2013 at 13:14

Dowlada Britain ayaa ku wareejisay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Londan Amb. C/laahi Maxamed Sanbalolshe Calanka Safaaraddii hore ee Soomaaliya oo mudo 22 sano keyd ahaan u haysay, iyadoo munaasabadii lagu lagu wareejinayay calanka ay kasoo qeybgaleen xubno ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibada UK.

 

Saraakiil ka socotay Wasaaradda Arimaha Dibada UK ayaa ayaa Calanka kasoo saaray sanduuq qurux badan waxaana si sharaf leh lagu wareejiyay oo gacanta laga saaray Safiirka Soomaaliya ee dowladda u magacowday Britain, iyadoo xubnaha ka socday Wasaaradda arrimaha dibada UK ay sheegeen in ay sharaf u tahay in 22 sano oo keydinayeen Calanka Soomaaliya ay wareejiyaan si looga taago Safaaradda cusub.

Danjiraha Soomaaliya ee UK ayaa uga mahadceliyay dowlada Engriiska sida qiimaha leh ay u keydiyeen Calanka oo ah astaanta umadda Soomaaliyeed.

"Sida aad u karaameyseen ee aad meel ugu xanaaneyseen Calankeena waxay  inoo muujineysaa  sharafta aad uhaysan dalkeyga iyo dadkeeyga  ayuu yiri danjiraha C/laahi Maxamed Cali (Sanbalolshe)

Dowladda UK ayaa wareejinta Calanka Soomaaliya kusoo beegtay maalinta loo dabaaldegayo maalintii Calan Soomaaliyeed laga taago Muqdisho 12-Oktoobar 1954-kii xiligaasi oo gumeystihii iyo gobonimadoonkii isku raaceen in astaanta Qaranka Soomaaliyeed uu yahay calanka buluuga.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.