Dawladda Maraykanka ayaa soo dhoweysay Heshiiska dhinaca Hawada ee ay kala saxiixdeen Dowladda Somalia iyo Maamulka Somaliland, heshiiskaasi oo saxiixiisa ka dhacay Turkiga.
“Siyaasadda Maraykanka ee Somalia tan iyo markii Dowladda Federaalka aqoonsanay waxay ku saleysan tahay Saddex arrimood oo kala ah inaanu taageerno ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Somalia iyo gaashaanbuurteeda sida Itoobiya oo dagaal kula jirto Al-Shabaab, In aanu ka jawaabno arrimaha bani’aadanimada isla markaana aanu ka qayb qaadano meel kasta oo suurto gal ah. Iyo weliba in aanu dhiirigelino siyaasadda xiriirka isbarbar socda"ayey sii raacisay Haweeneydan.
Dawladda Maraykanku waxay ku amaantay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka hawlgalay sidii uu ula shaqayn lahaa wax ay ugu yeertay maamul goboleedyada oo ay Somaliland ku jirto iyo Puntland.
Haweenayda ku xigeenka xafiiska Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Linda Thomas Greenfield oo khudbad ka horjeedisay guddi hoosaadka Congress-ka Maraykanka ayaa waxay ku amaantay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud howsha dib u heshiisiin iyo wada shaqeyn ee uu u qaaday maamulada dalka sida la macaamilka Somaliland iyo heshiiskii Addis Ababa ay ku gaareen Dowladda iyo Maamulka Kismaayo ee Jubba.
“Waxaanu aragnaa calaamad wanaagsan oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhaqaaqay oo ah la shaqaynta maamul goboleedyada, sida heshiiskii Jubbaland ee 22-kii Augost ay dawladda Federaalku ku aqoonsatay maamul goboleedkaasi iyo khariidad u dejinta in maamulkaasi noqdo maamul goboleed ku jira federaalka iyo qorshaha wada loo marayo in doorashooyin laga qabto dalka Somalia sannadka 2016 oo ay ku jirto in la h elo hanaan siyaasadda iyo amniga ah iyo weliba Muqdiho iyo Somaliland oo ku heshiiyay habka maamulka hawadda, taasi oo ah talaabo xagga dib u heshiisiinta loo qaaday”. Ayay tidhi Linda Thomas.
Linda Thomas waxay sheegtay in Mareykanka uu taageerayo Siyaasadda Dowladda Federaalka iyo wax ay ku sheegtay xiriirka isbarbar socdo oo ay ula jeeday Maamulada Somaliland iyo Puntland iyadoo ujeedada laga leeyahayna ay ku tilmaamtay sidii loo hormarin lahaa wada shaqeyn iyo xiriir dhanka Federaalka ah.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments