Shir ballaaran oo looga hadlayay amniga caasimadda, uuna guddoominayay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid†isla markaana ay ka qeyb haleen Hay'ddaha amniga dalka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Gen. Saacid ayaa hoosta ka xariiqay in go’aan laga gaaray dadka heysta hubka sharcidarada ah, wuxuuna xusay in ciidamada la siindoono dares gaar ah loona sameyndoono aqoonsi.
Shirkan oo ay ka qeybgaleen wasiiro iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka caasimada dalka loona dardargelin lahaa howlgalada lagu xaqiijinayo ammaanka.
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments