Wasiirka Arimaha debeda ee Dawlada soomaaliya oo dalka dib ugusoolaabtay maanta

Published on 11 October 2013 at 13:24

Ra,iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam oo maanta Caasimadda Muqdisho dib ugu soo laabatay kadib Safar shaqo oo qaatay muddo 26 cisho ah oo ay ku kala booqatay Magaalooyinka Brussels, Rome , Washington , New York iyo Toronto

 

Marwo Fowziyo ayaa waxa ay soo dhaweysay, ayna taageertay howlgalka ciidanka Kumandooska Mareykanka ay ka sameeyeen degmada Baraawe 5-tii bishan October ee lagu  baacsanayay Saraakiil ka tirsan Kooxda Alshabaab , Waxa ayna tiri ” waanu soo dhaweyneynaa howlgal kasta oo soo celin kara nabadda iyo deganaanshaha dalka”.

Fawziya Yuusuf ,oo shir jaraa’id ku qabatay garoonka diyaaradaha Aden Abdulle ee Muqdisho ayaa waxa ay ammaantay Jaaliyadaha  Soomaaliyeed ee ku nool dibadda , si gaar ah kuwa ku dhaqan wadanka Canada oo tiradooda tahay 300,000 ruux , oo ay  ku tilmaantay dad wadaniyiin ah oo dal jaceyl iyo nabad jaceyl uu ka muuqdo , iyadoo ugu baaqday qurba jooga Soomaaliyeed inay dalka dib ugu soo laabtaan , kana qeyb qaataan dib u dhiska iyo maalgeshiga wadanka.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga , waxa ay xustay in Wasaaradeedu ay dib u howlgelin rasmi ah ay ku sameyn doonto qaar ka mid ah Safaaradaha dhowaan dib loogu magacaabay danjirayaal , si gaar ah Safaaradaha Tanzania iyo Malaysia, iyadoo ay horey u howlgaleen Safiirada loo kala magacaabay Rome , Brussels iyo London.

H.E. Fawziya Yuusuf waxa ay qirtay in Wasaaradeedu ay horey wax uga qabatay difaacidda xuquuqda muwaadninka Soomaaliyeed , haatanna ay kordhineyso dadaalada wax looga qabanayo  dhibaatooyinka Soomaalida qaxootiga iyo kuwa maxaabiista ah ku heysta qaar ka mid ah wadamada Caalamka.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam oo cazuumaad rasmi ah ka heshay dowladda South Africa , ayaa waxa ay tilmaantay inay u howlgali doonto wax ka qabashada cabashooyinka iyo dhibaatooyinka la soo gudboonaaday Soomalida ku ganacsata wadanka South Africa, iyadoo ku celcelisay fariimo iyo baaqyo ay horey u  gaarsiiyay Madaxweyne Jacob Zuma iyo Wasiiradiisa Xiriirka Caalamiga iyo Iskaashiga Maite Nkoana-Mashabane.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho , iyadoo ay ka qeyb galeen soo dhaweynteeda Wasiir kuxigeenada Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga  Eng. Maxamed Aadan Axmed, Dr. Jamaal Maxamed Barrow,Wasiir kuxigeenka gaashaandhigga General. Axmed Maxamed Maxamuud (Carab), Xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Avv. Hersi Haji Olosow ,diblomaasiyiin kala duwan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka .

fow7fow6fow5fow4fow3fow2fow1

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb