Xisbiyada Norway ka talin doono oo heshiis gaaray iyo arrimaha Qaxootiga oo la adkeeyay

Published on 8 October 2013 at 14:15

Axsaabta isbaheystay ee Midig dhexe ee ku guuleystay doorashada dalka Norway ee la qabtay bishii hore ayaa soo saaray daraafka heshiiska dhexmaray in ay ku maamuli doonaan dalka Norway waxaaana ay saxaafadda u soo gudbiyeen qodobadii ay isku afgarteen kuwaasoo ay ku maamuli doonaan dalka hadii ay xilka kala wareegaan xisbiga Shaqaalaha ee AP bishan oktober18 keeda.

Waxuu heshiiskani ay gaareen xisbiyadani noqonayaa mid taariikhi ah maadaama dalka Norway ay 40 sano kahor u dambeysay in dhowr xisbi ay isku afgartaan in ay wadaagaan talada dalka ayna isku raacaan dhowr arrimood oo kala duwan sida canshuurta iyo arrimaha soo galootiga, waxaa sidoo kale ay xisbiyadan balan qaadeen in ay dhisayaan wadooyinka ay maraan gaadiidka iyo tareenada ayagoo isticmaali doona miisaaniyada dhaqaale ee batroolka oo aan horey loo taaban jirin.

Erna Solberg oo ah haweeneyda ah ra'iisul wasaaraha dooran ee dalka Norway ayaa waxey isniintii soo bandhigtay qaabka ay ku shaqeyneyan dowlada wadaaagga ah oo ay dhisayaan xisbigeeda Høyre ama midigta loo yaqaano iyo axsaabta la ah shuraakada ee FRP iyo KRF waxaana ay soo saartay miiska ajendahooda maamul waxaana ka mid ahaa dhowr qodob oo isbedel sameyn doona sida in ay canshuurta aad u dhimayaan , in waddanka uu isticmaali doonoqarashaadka saliidda ama patroolka oo keyd aheyd, in qaxootiga la xakameyn doono lana adkeynayo shuruudaha lagu siinayo sharciyada dadka magangalyo doonka ah ee dalka yimaada ee dalbanaya qaxootinimada iyadoo iyadoo hadii qofka qaxootiga ah la siiyo diidmo laga masaafurin doono dalka Norway loona celinayo wadankii uu ka yimid.

Arrinta qaadashada jinsiyadda ayaa wax weyn oo isbedel ahi uusan ku imaan marka laga reebo in lagaga baahnaanayo dadka dalbanaya dhalashada imtixaan luqada oo hadal ah oo aan qoraal aheyn iyo in qofka la weydiiyo cilmiga bulshada iyo taariikhda hab nololeedka dalka Norway.

Qodobadii kale oo ay isku raaceen ayaa ka mid aheyd in maalinta axadda ay furnaan doonaan dukaamada ganacsiga maadaama ay horey u xernaan jireen maalintaasi.

Waxaa kaloo ka mid ahaa qodobadii ay isku raaceen in Booliiska loo ogolaaday in ay qaadan karaan hubka maadaama ay horey booliska ku howlgali jireen kaliya qalab kale oo ay iksu difaacaan sida basbaaska indhaha loogu buufiyo ee ka ilmeysiiya.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.