Dooni u rarnayd ganacsato reer Puntland ah oo ku dagtay inta u dhaxaysa Imaaradka Carabta iyo Cumaan

Published on 30 September 2013 at 13:03

Doonidaan ayaa ahayd mid urarnayd ganacsato soomaliyeed oo kasoo jeeda deeganada Puntland ayaa ku rogmatay inta udhaxaysa Imaaradka Carabta iyo Cumaan

Sababta kadambaysa in ay doontaani dhacdo ayaa lagu sheegay in muddo lix maalin ah bada ay kujirtay,waxayna lakulantay dabaylo iyo mowjado xoogan .

Doonidan ayaa waxa ay ku soo socotay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland,waxana ay waday bagaash fara badan oo loo waday ganacsato soomaliyeed oo kusugan deeganada Puntland .

Waxaa sidookale doonida lasocday badmaaxiyiin udhashay dalka hindiya,Badmaaxiyiintaan oo tiro ahaan gaaraya saqaal ayay wararku kusoo baxayaan in la badbaadiyay,waxana hada ay kusugan yihiin iyagoo badqaba dalka Cumaan gaar ahaan magaalada Salalah .

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb