Booliiska dalka Giriiga ayaa xabsiga dhigay Madaxdii sar sare ee xisbiga cunsuriga ah ee [Golden Dawn] oo ah xisbi lagu eedeeyo weerarada lagu qaado dadka laga tiro badan yahay ee dalkaasi Giriiga.
Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in xubnaha xisbigan la horgeeyo Maxkamada si loogu soo oogo danbiyada lagu heysto oo ay ku jiraan falal ay kamid yihiin, abaabulida falal isugu jira weeraro iyo dilal ay geysteen taageerayaasha xisbigaasi.
Tilaabada ay dowlada Giriiga ku xirtay madaxda Xisbiga Golden Dawn ayaa imaaneysa kadib markii Arbacdii lasoo dhaafay (18 September) uu nin mid kamid ah Xisbigaasi cunsuriga ah uu dilay Fanaan caan ka ah dalkaasi Giriiga oo si weyn uga soo horjeeday xisbigaasi cunsuriga ah.
Dilkaasi ayaa keenay banaanbaxyo waaweyn oo ka dhacay dalkaasi Giriiga todobaadkii lasoo dhaafay, dowlada Giriiga ayaa sheegtay inay tilaabo ka qaadeyso xisbigaasi.
Xisbiga Golden Dawn ayaa 18 kursi kuleh Baarlamaanka Giriiga, waxaana hada dadka la xiray kamid ah hogaamiyaha xisbigaasi Nikolaos Mihaloliakos kadib markii shalay (Sabti) ay ciidamada ka hortaga argagaxisada ugu galeen xafiiskiisa magaalada Athens.
Hogaamiyaha xisbigan ayaa ku dhaaranaya inuu 18ka xildhibaan ee xisbigooda kala bixi doono Baarlamaanka, taasi oo keeni karta in markale doorasho cusub la qabto iyo xiisado siyaasadeed.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments