Madaxweyne Soomaaliya oo saaka Muqdisho kusoo laabtay

Published on 29 September 2013 at 14:11

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka Muqdisho dib ugu soo laabtay, kadib safaro uu ugu maqnaa dalka dibadiisa, waxaana si diiran garoonka Muqdisho ugu soo dhoweeyay.

 

Mas'uuliyiinta ka qeyb qaadatay soo dhoweyntiisa ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari, Wasiiro, Xildhibaano iyo mas'uuliyiin kale.

Soo laabashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegantay iyadoo wadooyinka Muqdisho saakay ay xernaayeen isla markaana howlgalo ay ka fulinayeen ciidamada Dowladda SOomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada New York kaga qeyb galay shirkii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey, waxaa uu magaalada Washington kula kulmay Xoghayaha Qaramada Midoobay, Xoghayaha Arrimaha dibada Mareykanka, Xoghayaha difaaca iyo mas'uuliyiin kale.
xasan-soonoqosho-2

Madaxweynaha ayaa 16-kii bishan September ka qeyb galay shirkii New Deal ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Brussels, iyadoo dowladda Soomaaliya loogu deeqay lacag ka badan labo bilyan oo doolar.

Xasan Sheekh oo shir jaraa'id ku qabtay garoonka ayaa sheegay in safarkiisa uu kusoo dhmaaday guul isla markaana lasoo laabteen natiijo wax ku ool ah, isagoo ugu baaqay shacabka in fursada beesha caalamka siisay Soomaaiya ay ka faa'iideystaan.
  xasan-soonoqosho-3xasan-soonoqosho-4xasan-soonoqosho-5xasan-soonoqosho-6xasan-soonoqosho-7xasan-soonoqosho-8xasan-soonoqosho-9xasan-soonoqosho-10

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb