Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku dhawaaqday in mudo Seddax Bilood kadib ay howlgeli doonto Shirkadda duulimaadka ee Somali Airlines, kadib markii la helay agabkii ay ku howlgeli laheyd iyo adeegyadii muhiimka
Ciilmooge ayaa sheegay in dib u howlgelinta shirkadda duulimaadyada ee Somali Airlines ay dib u soo celin doonto heybadii iyo karaamadii ay Soomaaliya ku laheyd duulimaadyada caalamiga ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dadaalka ugu badan ay ku bixin doonaan dib u howlgelinta shirkadii Somali Airlinens 22 sano kadib.
Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay inay rajo weyn ay ka qabaan inay dib u howl geliyaan Shirkadii Somali Airline ka hor inta uusan dhamaan sanadkan, isagoo ku baaqay in la baneeyo xarumihii shirkadda si loogu shaqeeyo.
"Afar diyaaradood ayaa hada balan qaad u heysanaa inay howl galaan, waxaan rajeynayaa in sanadkan inta aanu dhamaan inaan howl gelino Somali Airlines, sida qorshuhu yahay haduu alle idmo"ayuu yiri Wasiir Ciilmooge.
Wasiirka ayaa sheegay in howlo kale oo dib loogu soo celinayo hantidii shirkaddii Somali Airline ay ku socdaan isla markaana rajadu weyn ay ka qabaan in mar kale ay Soomaaliya dib u hesho sumcadeedii iyo diyaaradaheedii.
"Howlo kale waa inoo socdaan, laakiin guud ahaan diyaarado waan helnay, duuliyeyaal waa la xiriirnay, qaar liiskooda waan helnay, rajo weyn ayaa ka qabnaa in Soomaaliya mar kale aragto diyaaradii calankeeda wadatay ay ka kacdo garoonka Aadan Cadde"ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Boostada, isgaarsiinta iyo Gaadiidka.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments