Dowladda oo go'aamisay Shirweyne dib u heshiisiin iyo Puntland oo qaadacday iney ka qeybgasho

Published on 27 August 2013 at 12:04

Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku dhawaaqday Shir weyne dib u heshiisiin oo bisha September lagu qaban doono magaalada Muqdisho, kana soo qeybgeli doonaan siyaasiyiinta iyo maamulada dalka ka jira ayaa waxaa ka horyimid Maamulka C/raxmaan Faroole oo u arka qiyaano lagu burburinayo awoodaha maamul ee ka tirsan Dowladda iyo Nidaamka Federaalka.

 

Afhayeenka Madaxtooyada Inj. C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Soomaali ay go’aamisay in Labada ilaa Lixda September Muqdisho lagu qabto shirweyne Qaran oo dib u heshiisiin ah gaar ahaan arrimaha siyaasada iyo sidii loo meelmarin lahaa wixii lagu balamay oo ah in wadanka ay ka dhacdo doorashooyin xor ah, iyadoo shirkan ay tahay in dowladu ay ka qeybgeliso arrimaha siyaasada bulshada Soomaaliyeed.

Hase ahaatee Maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku sheegay in shirkaasi ay dowladda ku dhawaaqday lagu wax yeelaynayo Midnimada iyo iskaashiga Ummada Soomaaliyeed.

"Waxaan ogaanay in Dowladda Federaalka Somalia ay qabanqaabinayo shir hal dhinac, looguna yeeray shir qaran, oo ka dhici doona Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu suntay Aragtida 2016 ee loogu guurayo dimoqraadiyada, Nuqulka qabyada ee Qoraalka shirka, waxaa la soo saaray bisha August, waxaana shirka la qabanaya 2-6 September 2013, Ajendaha shirkuna wuxuu ka turjumayaa dhaqanka Dowladda Federaalka ee Muqdisho ee Curyaaminta iyo isbahaysiyo ka dhan ah Nidaamka Federaalka iyo Dowladaha ka mid noqonaya” ayaa lagu yiri qoraal Puntland ay soo saartay.

Puntland waxay sheegtay in shirkaasi aysan cid ka socota maamulkooda iyo dadka Puntland aysan ka qeybgeli doonin.

Ugu danbeyntii qoraalka Puntland kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ay diyaar u tahay wada hadal iyo wax ku ool ah oo ay la gelayaan Dowladda Federaalka Somalia.

Dhanka kale Afhayeenka Madaxtooyada Inj. Yariisoow ayaa sheegay in qodobada shirka looga hadlayo ay ka mid yihiin dib u habeynta iyo dhaqan gelinta Dastuurka, in wadanku uu yeesho xisbiyo siyaasadeed, xoojinta hey’adaha dowlada, arrimaha federaalisimka iyo awoodaha sida loo qeybsanayo, isagoo xusay in shirkan la keeni doono khubaro ku taqasusay arrimaha laga hadlayo

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb