Madaxweyne Axmed Madoobe oo Gaalkacyo lagu soo dhaweeyey

Published on 6 July 2013 at 11:10

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Gaalkacyo lagu soo dhaweeyey



Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa goor dhawayd ka degay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo,waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan golaha xukuumada Puntland,Isimo,siyaasiyiin iyo dadweyne aad u fara badan.

Safarka madaxweynaha waxaa ku wehelinya xubno ka tirsan maamulka Jubaland oo uu ka mid yahay Gen Darwiish.

Waxaa uu booqan doona isla maanta sida aan wararka ku helayno Cusbitaalka Gaalkacyo oo ay ku jiraan 50 qof oo ku soo dhaawacmay dagaaladii Kismaayo ka dhacay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u soo gudbi doona Garoowe.

 

qawmedia.com

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.