Meydka Boqor C/laahi Boqor Muuse oo la soo gaarsiiyay Qardho

Published on 7 July 2013 at 13:01

Waxaa goordhoweyd soo caga dhigatay Garooka Diyaaarada ee Degmada Qardho Diyaaradii Siday AHN Meydka Boqor C/laahi Boqor Muuse

Aaska ayaa lagu wadaa inuu dhaco Daqiiqado ka dib waxana magaalada qardho xiligani kusugan qaar kamid ah wariyayasha Shabakada Calanka.com oo idiin so gudbinaya waxa halkaasi kasocda .

Waxana lasocday diyaaradii siday maydka allaha unaxariistee Boqor C/laahi Boqor Muuse Madax kasocota dowlada Fadaralka Soomaaliya siyaasiyiin uu isna kamid yahay Siyaasi Cali Cabdi Awaare iyo Madax Kale.

Magaalada Qardho waxa xiligani kusugan Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdraxmaan Faroole,Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland,Madax kasocota dowlad deegaanka soomalida ee Ethopia iyo marti sharaf kala duwan oo magaalada qardho ujooga kaqayb galka aaska Allaha unaxariistee Marxuum Boqor C/laahi Boqor Muuse.

Waxana siwan loo adkeeyay amaanka guud ee magaalada qardho iyadoona dadwayne farabadan ay kuqul qulayaan qabriga loogu talagalay in lagu aaso Meydka Boqor C/laahi Boqor Muuse.

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb