Maamulka gobolka Banaadir oo xukuumadda ka dalbaday iney joojiso hubka lagu dhexwato wadooyinka caasimadda Muqdisho

Published on 6 July 2013 at 10:53

Maamulka gobolka Banaadir oo xukuumadda ka dalbaday iney joojiso hubka lagu dhexwato wadooyinka caasimadda Muqdisho

 

Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iney magaalada ka saarto ciidamada Milateriga ah ee hubka ku dhex wata,afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweeyey qorshaha cusub ee ay ku baaqday xukuumadda Soomaaliya wuxuuna ka dalbaday madaxda dowladda iney magaalada ka sifeeyaan hubka lagu dhex wato kaasoo qalqal galinaya amniga caasimadda sida uu yiri.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in hadii ciidamada Milateriga ah laga saaro magaalada iney sahlanaan doonto sugidda amniga magaalada,wuxuuna sheegay in alshabaab ay isku soo ekeysiiyaan ciidamada dowladda,wuxuuna shaaca ka qaaday in hadii Milateriga lagu amro ineysan hub ku dhex qaadan karin magaalada dhexdeeda in taasi ay kaalin weynka geysan doonto xasilinta caasimadda.

Wuxuuna ku taliyey in la xoojiyo ciidamada booliska oo iyagu masuul ka ah sugidda amniga gudaha,afhayeenka ayaa sheegay in qorshaha cusub ee xukuumaddu ay sheegtay in loo wajahayo xaqiijinta amniga oo ah wada shaqayn dhab ah  dhexmarta shacabka iyo dowladda in uu yahay mid ay muddo dheer ku taamayeen hadii ay yihiin masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in arinkaasi ay ka gaabiyeen dowladihii hore,wuxuuna tusaale usoo qaatay in marka uu qof shacab ah soo sheego qof dhibaato wada oo ka tirsan alshabaab iney dhacday in si fudud qofkii lagu sii daayey taasoo walaac ku abuurtay dadkii kale ee sheegi lahaa fidna wadayaasha,taasoo sababtay in qof walba uu ka aamuso qofka dhibaatada wada,wuxuuna ugu baaqay bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho iney si dhow ula shaqeeyaan ciidamada iyo laamaha amniga si dhibaatada looga boxo.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.