Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay R/wasaasirihii hore ee dalka Norway

Published on 16 June 2013 at 12:04

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Norway Kjell Magne Bondevik oo hada ah gudoomiyaha Xarunta Oslo ee Dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha oo la asaasay sanadkii 2006.



 
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay R/wasaasirihii hore ee dalka Norway (SAWIRRO)
(Calanka.com) - Posted at 15/06/2013 
By Cali
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Norway Kjell Magne Bondevik oo hada ah gudoomiyaha Xarunta Oslo ee Dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha oo la asaasay sanadkii 2006.


Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa ugu warbixiyay kulankii uu la qaatayKjell Magne Bondevik xaalada dalka iyo horumarada ay dowladda ka samaysay dhanka xuquuqul insaanka, dowlad wanaaga iyo nabad ku soo dabaalida dalka.
Saacid-norwey-1

“Dalka Norway wuxuu Soomaaliya ka taageeraa arimaha horumarinta, waana waddan aan leenahay xiriir wanaagsan, waxaana ka wada hadalnay sidii dawladda gacab looga siin lahaa dhanka dib-u-dhiska iyo dawlad wanaaga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norwey ayaa ayaa ku amaanay Dowladda Soomaaliya horumarada ay ku tallaabsatay isagoo sheegay in Soomaaliya uu yimid dhowr jeer, maantana uu dareemayo isbadal dhan walba leh.
Saacid-norwey-2

“Sanadkii 2005 ayaa ka dagay xilka R/Wasaaraha Norway, waxaana u jeestay inaan ka shaqeeyo horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka, xafiiskaygu wuxuu u qoondeeyey barnaamijyo lagu hormarinayo baarlamaanka Soomaaliya, waxaan ka wada hadalnay R/Wasaaare Saacid sidii aan taageero u siin lahayn xafiiskiisa iyo golaha wasiirada. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Norway.

Wuxuu sheegay in uu dawladda Soomaaliya kala shaqayn doono baahinta maamul wanaaga, federaalisamka, iyo horumarinta xuquuqul insaanka, iyadoo markastana la dhowrayo shuruucda dalka u degsan, waxaana xaruntiisu xariir wada shaqyan la leedahay Carter Center oo uu gudoomiye ka yahay madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter.
Saacid-norwey-3  Saacid-norwey-1Saacid-norwey-5Saacid-norwey-6Saacid-norwey-7

qawmedia.com

 

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb