Hasan Rowhani oo lagu dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha Iiraan

Published on 16 June 2013 at 11:34

Xasan Rowxani oo ah Wadaadka Qunyar socod ayaa maanta lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalka Iran, wuxuuna ka guuleystay Duqa magaalada Tehran Maxamed Bogher Qalibaf.



Cododka la tiriyay ayaa wuxuu helay Xasan Rowxani 18,613,329 oo ka mid ah 36,704,156 codadkii la dhiibtay,waxayna u dhigantaa in uu helay 50.71% cod.

Duqa magaalada Tehran Moxamed Bagher Qalibaf ayaa noqday musharraxa kaalinta labaad ka galay doorashada, isagoo helay 6,077,292 oo u dhiganta 16 boqolkiiba codadka la tiriyay.

Wadaadkan ayaa ah isbeddel doon aamisan siyaasaddaha dhexe, wuxuuna horay u ahaa madaxii wadaxaajodka barnaamijka hubka Nuclearka ee dalka Iran.

Ayatollah Cali Khamenei ayaa ugu hambalyeyay Rouhani guusha uu ka soo hooyay doorashadii dhacday, isagoo shacabka Iiraan ugu baaqay iney taageeraan, lana shaqeeyaan Madaxweynaha cusub.

Taageerayaasha Madaxweynaha cusub Rowxani ayaa bannaanbax nabadeed isugu soo baxay bartamaha magaalada Tehran si ay u muujiyaan guusha uu ka gaaray doorashada.

Dalalka Faransiiska iyo Ingriiska ayaa sidoo kale soo dhoweeyay guusha doorashada Madaxweyne Xasan Rowxani.

 

QAWMEDIA,COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.