Prof Samatar oo Sanado badan kadib markii uu ka dagay Somaliland Dhulka Sujuud ku boobay(Daawo Sawirada)
Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa maalintii shalay waxuu tagay deegaanada Maamulka Somaliland kadib markii uu ka tagay Xubanimadii Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kale uu isbadal ku yimid fikirkiisii ahaa Soomaaliweyn. Prof Samatar ayaa markii uu ka dagay Garoonka Diyaardaha Magaalada Barbera waxaa wajigiisa ka muuqday farxad iyo hilow badan uu u qabay in uu tago Deegaanada Soomaaliland uu ka maqnaa sanado aad u tiro badan. Mar qura ayaa indhaha laga qaaday Prof Samatar oo dhulka sujuudaya sidoo kale dhunkanaya carada isagoo tilmaamay in wax walbo ay ka weyn tahay farxada heysa iyo in uu mar kale dib ugu laabto deegaanadii uu kasoo jeeday uu sanado badan moogaa. ![]() Prof Samatar markii uu gaaray Magaalada Hargeysa waxa uu Xusay inaanu Sheegi Karin ereyo uu ku Muuneeyo Madaxdii iyo dadweynihii ku soo dhaweeyay Magaalooyinka Berbera iyo Hargaysa,waxaanu intaas ku daray inuu ku faraxsan yahay imaatinka dhulkii uu ku dhashay ee Somaliland. Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlaya Ujeedada Socdaalkiisa Xilligan ee Somaliland waxa uu Sheegay inuu salka ku hayo sidii uu u Ogaan lahaa xaalada dhabta ah ee ay dadkiisu ku sugan yihiin isagoo intaas ku daray in isaga iyo Koox la socotaaba ay Socdaal ku tagi doonaan Degmada Saylac ila Degmada Ceerigaabo si uu Xog ogaal ugu noqdo Nolosha dhabta ah ee Somaliland isla markaana uu u helo Xog uu adduunka u bandhigi karo. ![]() ![]() ![]()
|
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments
As you all know the magic here lies with Jess and Brett. They're so good. and as always, any cnahce we get to spend time with you two is so so lovely. Thanks for these, Jess (and Brett!) we can not wait to see the film!! It's going to be AMAZING.