Hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia

Published on 21 May 2013 at 16:20

Madafiic Hoobiyeyaal ah ayaa xalay saqdii dhexe lagu weeraray xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoo si xooggan dadka Muqdisho u maqlayeen daryanka madaafiic kusoo hoobaneysay degmada Wardhiigley oo ah halka ay ku taal Madaxtooyada.

Dhamaadkii sanadkii hore ayaa sidaan oo kale lagu soo garaacay xaafadaha ka ag dhow xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.



Lama oga khasaaraha ka dhashay Madaafiicdaasi ay geysteen, hase ahaatee ilaa Todobo Hoobye ayaa kusoo dhacay agagaarka xarunta Madaxtooyada.

Dadka Muqdisho gaar ahaan dadka degan xaafadaha ka ag dhow Madaxtooyada ayaa cabsi soo wajahday, iyadoo in mudo ah aysan ka dhicin Muqdisho weeraro madaafiic oo sidan kale ah.

Weeraradan Madaafiicda ayaan la ogeyn halka laga soo tuurayay, iyadoo ay ku soo beegmeyso xili uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sugnaa xalay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.

 

 

qawmedia.com

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb