Barqanimadii maanta ayay gaaren magaalada kismaayo waftigii uu hogaaminayay xog-hayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Maxbuub Macallin oo kasoo kictimayay magaalada Muqdisho .
Wafdigii ka socday Urur-goboleedka IGAD oo gaaray Kismaayo
Waftigaan imaatinkiisa Soomaaliya waxa lagu go’aamiyey shirkii madaxda wadamada ku bahoobay IGAD ay ku yeesheen 3-dii Maajo magaalada Addis-Ababa, waxaana u jeedka waftigaan uu yahay sidii ay war bixin uga diyaarin lahaayeen arrimaha gobolada Jubooyinka.
Waxana safarka waftigaasi xaqiijiyay Madaxwayne Kuxigeenka Maamulka Jubbaland Gen: Cabdulaahi Shiikh Ismaacil Fartaag oo sheegay in ay siwayn wafdigaasi magaalada Kismaayo ay ugu soo dhaweeyen
''Waxaa nooyimid waftigii balaarnaa ee kasocday urur goboleedka igad garoonka diyaaradahaanu kusoo dhawaynay waxana ubilaabanaya shaqooyinkii ay uyimaaden iyagoona lakulmi doona noocyada kala duwan ee ay kakooban tahay bulshada kudhaqan kismaayo ''Sidaasi waxa yiri madaxwayne kuxigeenka Maamulka Jubbaland Gen: Cabdulaahi Shiikh Ismaacil Fartaag.
Madaxwayne kuxigeenka maamulka jubbaland ayaa sidookale xaqiiyay in wafdigaasi inta ay kusugan yihiin magaalada kismaayo ay kulamo laqaadan doonan kalana hadli doonan xaalka uu usugan yahay gobolka .
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments