Madaxweynaha Soomaaliya oo si cad ugu hadlay arrimaha Kismaayo iyo Somaliland

Published on 18 May 2013 at 17:31


Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka hadlay arrimaha ka taagan Jubooyinka iyo maamulka Somaliland oo maanta u dabaal degeyso sanad-guuradii 22aad ee ka soo wareegatay markii ay ku dhawaaqeen in gooni isaga taageen Soomaaliya inteeda kale.


Madaxweynaha Soomaaliya oo si cad ugu hadlay arrimaha Kismaayo iyo Somaliland


Madaxweynaha Soomaaliya oo si cad ugu hadlay arrimaha Kismaayo iyo Somaliland



“Annaga waxaan ka baqeynay waxay ahaayeen waxa hadda ka taaga Kismaayo oo maalin walba hogaan cusub lagu dhawaaqaayo, weli daba qabad ayeey leedahay, waana in wax walba hadda la sameeyaa”

Mar uu ka hadlayay gobolada Waqooyi ayuu sheegay Madaxweynaha in Soomaaliyeed ay xiligan u diyaar garoobaan midnimo iyo wax wada qabsi, lagana tago caadifad iyo wixii horay u dhacay, isagoo ballan ku qaaday in Dowladdiisa ay ka shaqeyn doonto wada jirka iyo sidii la isugu keeni lahaa Soomaalida.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in shacabka gobolada Waqooyi ay yihiin dad wanaagsan, isla markaana dowladda Soomaaliya ay meel walbo u tageyso sidii la isugu keeni lahaa Soomaalida.

Mar uu ka hadlayay Madaxweynaha arrimaha murugsan ee Kismaayo ayuu sheegay in dowladda ay ka shaqeyneyso sidii halkaasi dhibaato ugu dhici laheyn.

“Kismaayo waan ka digeynaa inay ka dhacaan gacan ka hadlay, ciidamada dowladda Soomaaliya, qeyb kama noqon doonaan carqaladda ka taagan Kismaayo” ayuu yiri Madaxweynaha oo sheegay in saraakiisha ciidamada dowladda amar lagu siiyay in aysan qeyb ka noqon waxa ka dhacaya Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in waxa dhacaaya ay yihiin wixii ay horay uga digi jireen, waxaana uu tibaaxay in weli xal la gaari karo.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb