Deg Deg: Madaxweynaha Jubbaland oo Goor dhow lagu dhawaaqay

Published on 15 May 2013 at 15:41

Kismaayo Wararka aan ka Heleyno Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Goor dhow Lagu dhawaaqay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland kaasi oo Loo doortay Axmed Max’ed Islaam ( Axmed Madoobe).



Wararka ayaa intaasi kudaraya in ay doorteen Ergooyin ku sugan Jaamacadda Magaalada Kismaayo xilli Maal mihii dambe Khilaaf iyo Muran hareeyay Odayaasha Ku xareysan Jaamacadda Kismaayo kuwaasi oo qaarkood go’aansaday in ay shirka isaga Baxaan.

Dhinaca Kale Wafdi Ka socda Dowladda oo uu diray Madaxweynaha uuna Hoggaaminayo Taliyaha Xoogga dalka ayaa Goor dhow Gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Kuwaasi oo u Kuur Galaya Xaaladda Gobollada Jubbooyinka.

Wixii faah Faahin ah Kalasoco Qawmedia,com

 

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.