R/wasaare Saacid oo guddi 15 xubnood u magacaabay Jubooyinka

Published on 15 May 2013 at 15:08

Raisulwasaarha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdon “Saacid” ayaa maanta wareegto ku Soo saaray gudi ka kooban labada gole iyo xiriiriye tiradooduna tahay 16 xubnood kuwaasoo loo xilsaaray wada-xaajoodka iyo dib-u heshiisiinta gobolada Jubooyinka.



Gudiga ayaa sidoo kale si hufan ugu gudbin doonaa madaxda dhaqanka iyo kuwa gobolka Jubbada Hoose siyaasadda iyo talada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed ee ku wajahan dhismaha dowlad gobolleedyada Federaalka ah, guddigan ayaa lagu wadaa inay dhawaan u amba-baxaan magaalada Kismaayo.

Gudiga ayaa waxaa gudoomiye u ah wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi-guhaad Jaamac Axmed Maxamed (Oday), waxaana ay kala yihiin xubnaha kale ee guddigu:-

  1. Xildhibaan, Cabdi weli Sh Ibraahin Muudey – Xubin
  2. Xildhibaan, Xasan Macalin Maxamuud – Xubin
  3. Xildhibaan, Maxamed Iidle Geeddi (Xerow) – Xubin
  4. Xildhibaan, Cabdikaafi Macallin Xasan – Xubin
  5. Xildhibaan, Maxamed Maxamud Guure – Xubin
  6. Xildhibaan, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil – Xubin
  7. Xildhibaan, Cabdullaahi Yuusuf Xasan (Alankey) – Xubin
  8. Xildhibaan, Maxamed Axmed Kulan – Xubin
  9. Xildhibaan, Samaan Maxamed Sheekh – Xubin
  10. Xildhibaan, Cabdi-waaxid Cabdullaahi Jaamac – Xubin
  11. Xildhibaan, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil – Xubin
  12. Xildhibaan, Maxamed Maxamuud Ibraahin – Xubin
  13. Xildhibaan, Cabdiqaadir Maxamed Aadan – Xubin
  14. Xildhibaan, Luuley Cabdi Aadan -Xubin
  15. Mudane Aaden Ibraahim Aw Xirsi – Xiriiriye …………

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.