Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay hanjabaad dhawaan kaga timid xukuumadda Somaliland taas oo ku aadan la kulankiisii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyay Faysal Cali Waraabe inuu si gooni ah ula kulmay Madaxda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiiradda arrimaha dibada Fowsiyo Yuusuf.
Wasiirka ayaa sheegay in Fasax uusan u haysan Faysal Cali Waraabe maadaama uu ka mid yahay guddiga wada hadalada Somaliland inuu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana waxaa loogu hanjabay in laga qaadi doono talaabo haduu dib ugu soo laabto Somaliland.
"Kulankani waa mid salaan ah, maadaama wax naga wada dhaxeeyaan, waxaan ugu tegay salaan, waxaana tusayay dad duriyay wada hadalada Somalia iyo Somaliland in Hargeysa iyo Muqdisho wada hadli karaan" ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
"Feysal Cali Waraabe salaantii uu salaamay Xasan Sheekh kabcadii maan duminee is-hagaajiya" ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
QAWMEDIA,COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments