Ninkii Shabaab dhalinyarada uga diri jiray Minnesota oo la xukumay

Published on 14 May 2013 at 11:59

Maalinkii shalay waxaa magaalada Minnesota lagu xukumay 10-sano oo xarig ah Kamaal Siciid Xasan (28-jir) oo lagu sheegay in uu ahaa ninkii Shabaab uga soo diri jiray dhalinyarada gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.



Kamaal ayaa qirtay qeybo ka mid ah eedeymaha loo heysto iyo in uu lasoo tababartay lana soo dagaal galkay kooxda Al-Shabaab xilli uu Soomaaliya tagay.

Nin kale oo isna lagu magacaaboMahamud Said Omar (47-jir) ayaa isna lagu xukumay 20-sano oo xarig ah, waxaana isna lagu haystaa kiis la mid ah kan lagu haysto Kamaal.

Kamaal oo maxkmadda ka hadlay ayaa sheegay in uusan hada taageerin Al-Shabaab islamarkaana uu ka qoomameynayo wixii uu horay u sameeyay.

Si kastaba tobaneeyo dhalinyaro oo la marin-habaabiyay ayaa waxaa laga diray gobolka Minnesota iyagoona loo diray Soomaaliya si ay uga garab dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

Dadka lagu xukumay ku lug-lahaanshaha taageerada Al-Shabaab ee Minnesota ayaa isugu jira dumar iyo rag kuwaas oo siyaabo kala duwan u taageerau kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb