Taliyaha cusub ee booliska oo la kulmay saraakiisha kala duwan ee booliska (SAWIRRO)

Published on 11 May 2013 at 15:52

Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliya Jen. Cabdixakiin Daahir Saacid ayaa kormeer ku tegey xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed ee Kumando Bolisiyo, isagoo halkaasi kula kulmay saraakiisha sare ee ciidamada Booliska, Hogaanada iyo qeybaha saldhigyada Booliska.



Jen. Saacid ayaa warbixin ka dhageystay qeybihii uu la kulmay, iyadoo kulankaasina uu goob joog ka ahaa Taliyihii hore ee Booliska Shariif Sheekhuna Maye.

Shariif Sheekhunaa Maye ayaa Taliyaha cusub ku wareejiyay Documentiyadoo Booliska Soomaaliyeed halkaasi oo ay ku kala saxiixdeen dhamaan wixii feylal ahna uu ku wareejiyay Taliyaha cusub.

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb