Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa casho sharaf loogu sameeyay magaalada Birmingham waxay isku arkeen Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe.
Faysal Cali Waraabe oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirad Fowsiyo |
Hase ahaatee waxaa socda dadaalo la isugu soo dhoweynayo labada dhinac, iyadoo beesha caalamka ay taageero ku bixineyso sidii Somaliland ugu mid noqon laheyd Soomaaliya.
Xafladda casho sharafta ayaa waxaa isku arkay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ay la socdeen R/wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka gaashaan dhigga C/xakiin Fiqi iyo Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland UCID, Feysal Cali Waraabe.
Kulanka Mas'uuliyiintaan oo aan horay loo qorsheynin ayaan la ogeyn waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Laakiin wuxuu noqonayaa kulankii ugu horeeyay ee Faysal Cali Waraabe ku hor fadhiisto Madaxda Dowladda Soomaaliyeed.
Faysal Cali Waraabe ayaa horay hadalouu ku dhaleeceynayo Dowladda Soomaaliya u jeediyay isagoo riyo maalmeed ku tilmaamay rajada laga qabo iney dib u midoobaan Soomaaliya iyo Somaliland.
qawmedia,com
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments