Samafalayaal maalma Xabsi ugu jiray in ay bixiyaan lacag baad ah oo xuriyadooda dib u helay.

Published on 8 May 2013 at 09:56

Samafalayaal maalma Xabsi ugu jiray in ay bixiyaan lacag baad ah oo xuriyadooda dib u helay.



Todoba ruux oo samafalayaal ah oo doonayay in ay u gurmadaan qoysaska ay fatahaadu ku dhibaateeyeen degmada Jowhar ayaa siyaabo kala duwan ay xabsi ugu gureen maamulka degmadaasi kadib markii ay u diideeen in ay qarash siiyaan kahor inta aysan dadka wax u qaban.

Samafalayaasha oo dib u helay xuriyadooda ayaa waxa ay shaaciyeen in sababaha loo xiray ay aheyd in maamuka ay lacago tira badan siiyaan kahor inta dhibanayaasha aan la caawin arintas oo ay diideen sidaana ay xabsiga ku muteesteen.

Degmada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/dhexe ayaa waxaa xilligaan ka jira mid kamid ah musiibooyinka rabaaniga ah iyada oo fatahaad uu sameeyay webigu ay qoysas badan saameyn ku yeesheen arintaasi oo sababtay in samafalayaal ay ku dhiiradan in ay ka qeyb qaataan bad baadinta qoysaska dhibtooday.

Samafalayaasha qaarkood waxa ay sheegeen in codsi ay jeediyeen maamulka Jowhar oo ahaa in labad baadiyo shacabka fatahaadu halakeysay darteed ay gurmadka u sameeyen hasa yeeshee iyaga dhib la geliyay arintaas oo ay ku tilmaamem mid u muuqata in maamulku uu doonayo wax uu isagu jeebka ku shubto ee shacabka uusan dan ka laheyn.

Lama sheegin in samafalayaashaan baad lagu soo daaayay iyo in shuruurd la’aan xuriyadooda ku heleen , hasa ahatee waxa eesaameyn ku yeelatay howlihii gurmadka ee loo sameenayay dadka ee dhibaatadu ku dhacday.


Inta badan maamulada degmooyinka, gobalada iyo guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyaa in ay dantooda hor mariyaan intii ay fiirin lahaayeen shacabaka ay masuullka ka yihiin ee dhibtoonaya

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb