unpos Xafiiskoodii Soomaaliya oo la xiray
UNSOM ayaa bisha June 2013 si toos ah u bedalaya UNPOS waxaana xarunta UNSOM noqoneysaa magaalada Muqdisho.
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa fadhi ay yeesheen 02 May 2013 ku yeeshay xaruntooda New York ku sameeyey barnaamij cusub oo lagu taageerayo Soomaaliya, kaas oo beddalaya sida hadda la sheegey hawlgalkii hore ee UNPOS, Hawlgalka cusub ayaa loogu magacdarey United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), Waxaana hoggaamin doona ergay ka socda dalka Britain oo lagu magacaabo Nicholas Kay, kaas oo beddalaya Mahiga.
Qaramada Midoobey ayaa hawlgalo badan Soomaaliya u magacaabey hore sida UNISOM 1 iyo 2 United Nations Operation in Somalia, iyo United Nations Political Office for Somalia. UNPOS.
qawmedia.com
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments