Heshiis ay kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland (Akhriso+Sawirro)

Published on 13 April 2013 at 20:24

Waxaa soo gabagabooway goor dhow wada hadaladii u dhaxeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulan saacado qaatay ku dhex maray xarunta Wasaaradda arrimaha dibada Turkiga.



Kulanka oo qodobo xasaasi ah looga hadlay ayaa waxaa markiisii hore uu galay jawi degan, waxayna labada mas'uul kulamo albaabada u xeran la yeesheen Wasiirka arrimaha dibada Axmed Devotouglu, kadibna u gudbay xarunta Madaxtooyada ee Ankara oo ay kula kulmeen Ra'iisul Wasaare Rajjeb Deyib Erdugan iyo Madaxweynaha dalkaasi Abdalla Gül.

Qodobada ugu muhiimsan ee labada dhinac ka hadleen ayaa waxaa ugyu muhimsan sii wadista kulamada labada dhinac iyo in Somaliland ay aqbasho in xiriir iskaashi ay la yeelato dawladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa laga hadlay in deeqaha beesha caalamka siiso Soomaaliya in Somaliland qeyb laga siiyo iyadoo la sii marsiinayo dawlada federaalka Soomaaliya.

Kulamadaasi kadib ayaa waxaa Labada dhinac ay si wada jir ah u saxiixeen Heshiis 7 qodob ka kooban, waxaana u kala saxiixay Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar, waxaana qodobada ay kala yihiin sidan:.

1-  In la sii wado labada dhinac wadahadalada bilowga ah.

2- In Labada dhinac ayideen labadii heshiis ee horay u wada gaareen dawladdii KMG ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

3- In labada dhinac ay wadahadalada sii wadaan iyadoo beesha caalamka dhanka farsamada ka caawin doonto.

4- In Iskaashi buuxa laga yeesho dhanka nabadgelyada iyo tababarada ciidamada amaanka.

5- In la wadaago deeqaha beesha caalamku siiso Soomaaliya oo Somaliland qeybteeda ka hesho.

6- In mudo 90 cisho gudahood ah kulan labaad lagu qabto, kaasoo ka dhici doona magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.

7- In labada dhinac ay joojiyaan hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara wadahadalada socda.

 

QAWMEDIA,CIM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb