Gudoomiye Ceydiid Ilka Xanaf oo la badbaadiyay Qareeno Caan ah iyo Wariye ku dhintay Weerarkii Maxkamada G/Banaadir

Published on 14 April 2013 at 16:32

Gudoomiye Ceydiid Ilka Xanaf oo la badbaadiyay Qareeno Caan ah iyo Wariye ku dhintay Weerarkii Maxkamada G/Banaadir



Wararkii ugu dambeeyay aan ka heleyno Weeraradii ismiidaaminta ahaa iyo rasaastii tooska aheed ee maanta ka dhacday Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in iminka Ciidanka Dowlada iyo kuwa AMISOM ee gudaha u galeen Xaruntaasi dad badana ee soo bad baadiyeen.

Ciidamada Gaarka ah ee Dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa gudaha u galay Xarunta Makamada Gobolka Banaadir oo saacado kooban heesteen Dagaalyahano AL-Shabaab ka tirsanaa oo Weeraro qaraxyo ah iyo Dagaal toos ah ku galay xaruntaasi.

Dadka goordhaw lasoo bad baadiyay waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka Ceydiid ilko Xanaf ,Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir iyo Garsoorayaal , sidoo kale dad badan oo shacab ahaa ayaa laga soo saaray xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir.

Tirada Dhimashada weerarada ismiidaaminta ah iyo dagaakii tooska ahaa ee ka dhacay Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa sii kordhay iyadoona dadka dhintay lasoo warinayo in ee ku jiraan Qareeno caan ah iyo Wariye.

Labadii qareen ee difaaceesay Wariye Cabdi Casiis Koronto xiligii uu xirnaa ayaa kamid ahaa dadka ku dhintay Weerarada ismiidaaminta ahaa iyo rasaasta ka dhacday Maxkamada Gobolka Banaadir , waxaa sidoo kale halkaasi ku dhintay Wariye ka shaqeyn jiray Radio Muqdisho oo lagu Magacaabo Xabeeb.

Dadka ku Dhintay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Xarunta Maxkmada Gobolka Banaadir ayaa kor u dhaafaya in kabadan 15-qof inkastoo aan wali si rasmi ah loo heyn tirada dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay Weerarada ismiidaaminta .

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa goordhaw shaaciyay in uu soo dhamaaday Howl galkii Maxkamada Gobolka Banaadir mana shaacin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Weeraradii maanta iyo sida uu kusoo dhamaaday Howlgalkii Ciidanka Dowlada ku galeen Maxkamada Gobolka Banaadir oo saacado kooban la wareegeen Rag Hubeesan.

Waxii Warar Dheeraad ah ee kasoo kordha amuurtan kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

 

QAWMEDIA,COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb