Wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo bishan ka furmaya Turkiga

Published on 2 April 2013 at 21:15

Dowladda Turkiga ayaa marti gelin u fidisay Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka Somaliland si loo sii amba qaado wada hadaladii u dhaxeeyay labada dhinac.



 

Dowladda Turkiga ayaa marti gelin u fidisay Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka Somaliland si loo sii amba qaado wada hadaladii u dhaxeeyay labada dhinac.

Shir jaraa'id oo Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/laahi Cumar xalay ku qabtay magaalada Hargeysa ayuu kaga hadlay casuumaada lasoo gaarsiiyay Somaliland, wuxuuna sheegay in wada hadaladii ay la lahaayeen Dowladda Somalia ay ka furmayaan labo todobaad kadib magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Maxamed C/llaahi Cumar ayaa sheegay in ay guddoomeen casuumada lasoo gaarsiiyay, isla markaana Somaliland ay aqbashay ka qeybgalka shirkaasi lagu wada hadal siinayo labada dhinac si loo sii wado dadaaladii horay u furmay.

"Waxaan halkan doonayaa inaan ka cadeeyo in Dowlada Turkiga oo Saaxiib la ah Somaliland iyo Soomaaliya inay nagu marti qaatay inaan dib u bilaabano wadahadaladii hore ee laba geesoodka, labada dhinacna si niyadsami leh ayey ku aqbaleen, mudo gaaban gudahood oo aan ka badneyn laba week kadib inaan ku wada hadalno Turkiga, oo lasii wado wadahadaladaasi" ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibada Somaliland.

"Waxaan Jecelahay inaan Shacbiga Reer Somaliland iyo Beesha Caalamkaba ku wargalino inaanu ka dal ahaan aaanu martiqaadkaa dowlada Turkiga aanu aqbalney oo aanu soo dhaweynay, jecelnahay in Process-kii hore u bilaabmay aanu sii wadno" ayuu sii raaciyay Maxamed Cabdullaahi Cumar.

7-da Bisha May ayaa sidoo kale lagu ballansanaa in shirkani wada hadalka uu ka dhaco magaalada Londan ee dalka Britain, wallow Somaliland ay shirkaasi qaadacday ka qeybgalkiisa, sababo ay ku sheegtay in qorshaha daadihineed ee shirkaasi gacanta loo geliyay Dowladda Somalia.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ka war qabaan in Dowladda Somalia ay dhankooda soo dhoweynayaan casuumada shirka lagu wada hadalsiinayo labada dhinac.

Somaliland ayaa horay u qaadacday ka qeybgalka shirka 7-da bisha May ka furmaya magaalada Londan ee dalka Ingiriiska, kaasoo ay sheegeen inuusan quseyn Somaliland.

 

QAWMEDIA.COM

 

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.