Madaxweynaha Jabuuti oo qaabilay wafdiga Ra'iisul Wasaaraha Somalia "Sawirro)

Published on 3 April 2013 at 20:46

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdiga uu hoggaaminayay Ra'iisul Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon.

Ra'iisul Wasaare Saacid oo xarunta Madaxtooyada jabuuti Warfidiyeenada kula hadlayay ayaa sheegay iney u qorsheysan tahay booqashooyin uu ku tago dalalka deriska gaar ahaan Itoobiya, Ugandha iyo Burundi.

Wafdigan oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaraddaha jabuuti kusoo dhoweeyay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalkaa C/qaadir Kaamil, kadibna waxaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra'iisul Wasaare Saacid ayaa waxay ka wada hadleen arrimo quseeyo xiriirka labada dhinac iyo dhinaca iskaashiga.

 

QAWMEDIA,COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.