Ergada shirka maamul u sameynta Jubbooyinka oo ansixiyay Axdiga maamulka Jubbaland (Sawirro)

Published on 2 April 2013 at 21:05

870 ergo oo ka magaalada Kismaayo u fadhiya dhismaha maamul uu yeesho gobolada J/Hoose, J/Dhexe iyo Gedo ayaa maanta ansixiyay axdiga KMG ee maamulka Jubbaland lagu dhaqi doono.

Waxaa kasoo qeybgalay shirkii lagu ansixinayay axdigan KMG ee Jubbaland Guddoomiyaha KMG ee maamulka Kismaayo Axmed Madoobe, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid, Prof. Maxamed Cabdi Gaandi iyo siyaasiyiin kale.

Shirkan oo maalmihii u danbeeyay ka socday magaalada Kismaayo ayaa waxaa shalay gelinkii danbe loo qeybiyay ergada qodobada dastuurkaasi oo ka kooban 50 qodob ayaa ugu danbeyntii maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay.

Hase ahaatee saacado kadib ayaa waxaa cod dheer ku diiday ansixinta iyo shirka ka socda magaalada Kismaayo Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ee kasoo jeeda gobolka Gedo, waxayna sharci daro ku tilmaameen tallaabada lagu ansixiyay dastuurka uu yeelan doono Jubbaland, oo ay tilmaameen in uu yahay mid aan waafaqsaneyn xeerka dowladnimo iyo axdiga dalka u degsan.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka Macallin Maxamed ayaa ergada ka hor sheegay in 870 ergo oo fadhiday shirka ay ku codeeyeen HAA, sidaasina ansax ku yahay Dastuurka uu yeelan doona maamulka Jubbaland.

 

QAWMEDIA,COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb