Jabuuti oo Yeelatay Raysul Wasaare Iyo Gole Wasiiro Cusub Kadib Iscasilaadii Raysul Wasaarihii Hore

Published on 31 March 2013 at 22:08

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin



 

Jabuuti  Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magacaabay raysul wasaare cusub  iyo gole wasiiro intooda badan ay yihiin wajiyaal cusub kadib markii xalay iscasilay raysul wasaarihii hore ee dalkaasi Dileyte Maxamed Dileyte.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed loo qeybiyey warbaahinta waxaa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu raysul wasaare u doortay Cabdulqaadir Kaamil Maxamed oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii xisbiga RPP ee Madaxweyne Geelle uu hogaamiyo.

Sidoo kale madaxweyne Geelle ayaa iskushaandheyn ballaaran ku sameeyay golihii xukuumadda ee Jabuuti kuwaasoo  rag cusub lagu soo daray.

Iscasilaada Dileyte

Raysul wasaare Dileyte Maxamed Dileyte ayaa markii ugu horreysay noqday raysul wasaaraha Jabuuti sanadkii 2001, waxaana markale xilkaasi lagu soo celiyey ka dib markii uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku guuleystay doorashada waqtiga saddexaad ee madaxtinimada wadanka Jabuuti bishii May 2011.

Ma cadda sababaha rasmiga ee ka dambeeya iscasilaada raysul wasaare Dileyte oo mar loo arkay inuu ahaa mid ka mid ah saaxiibada ugu dhow madaxweyne Geelle.  Raysul wasaare Dileyte wuxuu soo noqday gudoomiye ku xigeenka xisbiga RPP ee ka mid ah isbahaysiga talada wadanka haya.

Dileyte oo ka soo jeeda qowmiyada Cafarta ee laga tirada badan yahay ayaa ah 58 jir waqtigan.

Xoghayaha guud ee dawlada Jabuuti Maxamed Xasan oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynuhu aqbalay iscasilaada raysul wasaaraha uuna magacaabay Cabdulqaadir Kaamil Maxamed inuu noqdo raysul wasaaraha cusub ee Jabuuti.

 

qawmedia,com

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb