Xildhibaano cusub oo maanta loo dhaariyay kamid noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya kadib boosas ay baneeyeen xildhibaanno kale.

Published on 31 March 2013 at 14:19

Xildhibaano cusub oo maanta loo dhaariyay kamid noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya kadib boosas ay baneeyeen xildhibaanno kale.



Faarax Cawad jaamac iyo Adan maxamed Cali ayaa maanta waxaa loo dhaariyay kamid noqoshada baarlamaanka Soomaaliya kadib kulan baarlamaanku ay ku yeesheen golasha shacabka Soomaaliyeed.

Dhaarinta xildhibanadaan ayaa waxa ay timid kadib Kulan uu shir gudoominayay gudoomiya ku-xigeenka baarlamaanka oo ay ku yeesheesheen xubnaha barlamaanka magaalada Muqdisho iyada xildhibanada ladhaariyay lagu bedelay boosas ay baneeyeen mudanayaal kale.

Xildhibanada cusub ee kala ah Faarax Cawad jaamac iyo Adan maxamed Cali ayaa waxa ay ku hor dhaarteen xubnaha baarlamanka ee iyaga hortooda shaqada soo weday kadib markii lagu dhawaaqay in ay ku soo biireen baarlamaanka.

Dhanka kale, Baarlamaanka ayaa waxa uu maanta war bixinno ka dhageestay xunba baarlamaanka katirsan oo kasoo laabtay safarro ay ku tageen deeganada ay kasoo jeedaan oo ay u anba baxeen markii baaralaamnku uu nasiinada ku jiray.

 

QAWMEDIA,COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb