Gudoomiyaha maxkamada Sare ee Soomaaliya oo eedeyn iyo aflaagaado kulul u jeediyey garsoorayaasha(Daawo Muuqaal+Warbixin)
Gudoomiyaha maxkamada Sare ee Soomaaliya Caydiid Cabdulaahi Ilkaxanaf ayaa waxaa la sheegay inuu eedeyn iyo aflaagaado kulul uu u soo jeediyey garsoorayaasha Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay kuwa qaata laaluush.
Gudoomyiha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Avv. Caydiid Caydiid Cabdulaahi Ilkaxanaf ayaa waxaa la sheegay inuu hadal xun oo meel ka dhac ku ah garsoorkA Soomaaliyeed uu ka soo yeeray asagoona ku sheegay hadalkiisa inay jiraan qaar ka mid ah garsoorayaasha Soomaalida oo qaata laaluush ka dibna meel mariyo waxyaabo sharci daro ah, '' WAA AY JIRAAN GARSOORAYAAL HOOSTA WAX LOOGA LAABO OO XALAALEEYO GURYAHA DOWLADA WAANA QALAD'' ayuu hadalkiisa ku yiri gudoomiyaha maxkamada sare ee Soomaaliya mar uu la hadalaayey warbaahinta qaranka Soomaaliyeed, arintaas oo ah run ahaantii mid meel ka dhac ku ah guud ahaan hab garsoorka Soomaaliyeed oo markii horeba ay dad badan oo Soomaaliyeed ay shaki weyn ka qabeen sida ay u shaqeyso, Gudoomiyaha maxkamada Sare ayaa waxaa uu ka hadlay
Ugu dambeyntiina iyadoo ay dad badan oo Soomaaliyeed ay isweydii karaan sababta uu gudoomiyaha maxkamada Sare ay wax uga qaban la'ayihiin hadii ay jiraan sida uu sheegay garsoorayaal laaluush qaata oo dhul iyo guryo dowladeed ku bixiya sharci daro, ayaa arintaan waxay tahay mid run ahaantii niyad jab weyn ku ah qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed oo hanti ma guuro ah ay ka maqneyd islamarkaana filaayey inay dhamaatey wax isdaba mariskii iyo laaluushka kuna raja weynaa inay waxooda ay si dhib yaraan ah ay ku heli doonaan.
QAWMEDIA,COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments