War Deg Deg Ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo saaay lagu kala cararay iyo Shaqadii garoonka hakad ku jirta
Wararka laga helayo Gagida Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saakay mar qura lagu kala cararay Garoonka kadib markii ee soo baxeen Warar sheegaya in gudaha garoonka ee yaalaan Waxyaabaha qarxa.
Kala cararka ayaa yimid kadib markii laha shakiyay mid kamid ah Gawaarida Shirka SKI oo yaalay gudaha garoonka in ee saaranyihiin waxyaabaha qarxa taa oo kaliftay in gabi ahaan shaqada garoonka la joojiyo shaqaalahana banaanka loo saaro kuwii shaqada soo gali lahaana dibada lagu celiyo.
Saraakiisha Dhinaca amaanka u qaabilsan Garoonka ayaa durba digniin kasoo saaray Warkan ku aadan in Gaari Waxyaabaha qarxa saaranyihiin uu garoonka yaal iyagoona ku amray Shaqaalaha Garoonka iyo dadkii ku sugnaa gudaha Garoonka in banaanka loo saaro.
Mid kamid ah Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde oo la hadlay Shabakada Allbanaadir.com ayaa noo sheegay in laga shakiyay Gaari Booyad ah oo yaalay Halka Diyaaraha ku ordaan kaa oo kamid ahaa Gawaarida gaarka ee Shirka SKI ah ee garoonka ka dhax shaqeeya lana sheegay in la dhax dhigay Waxyaabaha qarxa oo loogu tala galay in garoonka lagu qarxiyo.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabad sugida ayaa durbo bilaabay baaritaano Xoogan waxaana lasoo sheegayaa in hada socdaan baaritaanada lagu xaqiijinayo in gaariga Wxayaabaha qarxa saaranyihiin waxaana goobta la geeyay eeyo Tababaran oo waxyaabaha qarxa uriiya.
Ma jiraan wax diyaarad ah oo duushay ama soo dagtay saacadihii kala cararka jiray waxaana garoonka gaaray Saraakiil katirsan Dowlada iyo AMISOM si ay ula socdaan wax ka jiray Gaariga laga shakiyay , shaqada garoonka ayaana ilaa xilugan waxaa ka jira hakad shaqaalaha ayaana la geeyay banaanka iyo goobo kale oo amaan ah.
Waa markii ugu horeesay kala orod nuucaan ah uu ka dhaco Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo ah mid si aad ah inta badan amaankiisa loo adkeeyo balse saakay kaaya lagu kala cararay xaalkana uu alow sahal noqday.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments