R/Wasaare Saacid oo ku Wajahan Magaalada Kismaayo iyo Warar kala duwan oo kasoo baxaya Ujeedka Safarkiisa

Published on 22 March 2013 at 09:57

R/Wasaare Saacid oo ku Wajahan Magaalada Kismaayo iyo Warar kala duwan oo kasoo baxaya Ujeedka Safarkiisa



R/Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah gaaraan Magaalada Kismaao ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Warkan waxaa laga soo xigtay Gudiga Farsamada Maamul usameynta Gobolada Jubooyinka ee ku sugan Kismaayo kuwaa oo shaaciyay in R/Wasaaraha Maalinta beri ah filayaan in uu soo gaaro si uu shirka halkaasi ugu matalo Dowlada.

Magaalada Kismaayo waxaa Mudooyinkan kasocday Shir la sheegay in Maamul loogu dhisayo Gobolada Jubooyinka iyo Gedo kaa ee Dowlada Soomaaliya si weyn uga soo horjeesatay kuna tilmaantay shir dad gaar ah wataan Dowladana eesan wax ku ogeyn.

Dhawana ayaa lagu waramay in ee soo dhameestirmeen Ergooyinkii ka qeyb galayay shirkii Magaalada Kismaayo kasocday oo in mudo u xayirnaa Ergayda oo kala dhineed lamana oga in Maalinta berito ah Shirka uu si rasmi ah uga Furmayo Kismaayo.

Lama shaacin in isbadal ku yimid Mowqifkii Dowlada Soomaaliya gaar ahaan R/Wasaare Saacid oo si cad shirkaasi u qaaday qolyaha wada Shirkaasna ugu baaqay in Muqdisho u yimaadaan Shir wada tashi ee Dowlada la yeelaneyso ,lamana oga ujeedka Rasmiga ah ee Safarka R/Wasaare Saacid ka dambeeya.

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb