War Deg Deg Ah Mid kamid ah Hogaamiyaashii Kooxaha ee Dalka oo Goordhaw lagu Xiray Garoonka Aadan Cadde
Warar goordhaw soo gaaray Shabakada Allbanaadir.com ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay lana xiray Jen Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo kamid ahaa Hogaamiyaashii Kooxaha ee Dalka Soo maray horeyna Wasiir uga soo noqday Xukuumadihii KMG ahaa.
Yuusuf Indha Cadde ayaa la tilmaamay in Ciidamada AMISOM xireen kana katiinadeeyeen labada Gacan iyadooan Warar kala duwan kasoo baxayaan sababaha ka dambeeya Xariga goordhaw loo geestay Jen.Yuusuf Indha Cadde.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in xariga Yuusuf Indha Cadde in uu yimid kadib markii uu qalalaase ka abuuray Garoonka Aadan cadde uuna diiday in Garoonka gudaha loo galo ama laga soo baxo isaga oo adeegsanayaan ciidamo Hubeesan uu watay.
Yuusuf Indha Cadde ayaa la sheegay in uu ka carooday baaritaano lagu sameeyay isaga iyo Dad lasocday oo doonayay in ee Garoonka ka dhoofaan oo si uu rabay si ka duwan loola dhaqmay caro uu taa ka qaadayna ee keentay in uu xanibo in la galo garoonka Aadan Cadde ama laga soo baxo isagoona iridka gawaari dagaal ku gooyay.
Ciidamada AMISOM ayaana durba kusoo baxay halkii ee xanibeen Yuusuf Indha Cadde iyo Ciidamadiisa iyadoona Ciidamada AMISOM ee xireen Indha Cadde lana arkayay isaga oo katiinad labada gaxan looga jeebeeyay lana sii kaxeenayay.
Xaalada garoonka ayaana noqotay mid mar qura lagu kala carary iyadoona laga cabsi qabay in uu dagaal dhax maro ilaalada Yuusuf Indah Cadde iyo Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka haya garoonka Aadan Cadde
Ma jiraan Faah faahino dheeraad ah oo arintan kasoo baxaya sidoo kale wax war ah kama aysan soo saarin maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho dhacdadan goordhaw ka dhacday garoonka.
QAWMEDIA,COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments