War deg deg ah: Mid kamid ah saraakiisha ugu sareeeya Nabad sugidda Soomaaliya oo lasheegay in lagu dhaawacay qarax Muqdisho ka dhacay.

Published on 18 March 2013 at 13:03

War deg deg ah: Mid kamid ah saraakiisha ugu sareeeya Nabad sugidda Soomaaliya oo lasheegay in lagu dhaawacay qarax Muqdisho ka dhacay.



Warar hor dhac ah oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in dhaawac uu kasoo gaaray qarax Ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay taliyihii nabad sugidda Gobolka Banaadir, Qaliif Ereg oo lasheegayo in uu kusgnaa halka qaruxu ka dhacay.

Qaliif Axmed Ereg ayaa lasheegay in gaari uu watay lala eegtay gaariga qaraxa loo adeegsanayay iyada oo wararku ay sheegayaan in halkaasi uu dhaawiciisu ka dhashay.

Qaraxa ayaa waxa uu kadhacay afaafka hore ee Ex-Fiyooore halkaasi oo sidoo kale dad badan oo isugu jira askar iyo shacab dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray.

Dhaawiciisa ayaa lasheegayaa in uu aad u liito inkasta oo aysan jirin ilo madax banaan oo xaqiijinaya dhaawaca.

Dhaawaca Ereg ayaa lashegay in loo qaaday Isbitaalka AMISOM ay maamusho ee Xalane, halkaasi oo lagu daweynayo.

Dowlada Soomaaliya kama hadlin wali qaraxaasi cida lala eegtay iyo hadii uu jiro dhaawaca lasheegayo in uu kasoo gaaray taliyaha nabad sugidda gobalka Banaadir.

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb