Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Ismiidaamin ah ee Dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho(Daawo Sawirada

Published on 18 March 2013 at 13:01

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Ismiidaamin ah ee Dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho(Daawo Sawirada



Waxaa goor sii dhaweyd Qarax Xoogan oo ismiidaamin ah uu ka dhacay afaafka hore ee Ex-Fiyoore ee Magaalada Muqdisho Qaraxaa oo la sheegay in loo adeegsaday gaari waxyaabha qarxa laga soo buuxiyay.

Gaariga Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo loo badinayo in uu waday nin naftiis hore ah ayaa la sheegay in nuuciisa uu ahaa Surf waxaana Wararka aan heleyno sheegayaan in qaraxu dhacay xili halkaasi marayeen gawaari ay wateen Ciidamo katirsan Nabad Sugida oo ilaalo u ahaa Sargaal sare oo Hay’ada Nabad sugida kamid ah.

Inta la xaqiijiyay in kabadan 10-qof oo u badnaa dad Shacab ah ayaa ku dhintay Weerarka Ismiidaaminta ah iyadoona tiro intaa ka badan ee dhaawacyo halis ah kasoo gaareen loolana cararay goobaha caafimaad ee Magaalada Muqdisho si loo bad baadiyo.

Dadka dhintay Waxaa kujira Askar katirsan Ciidanka Dowlada oo halkaasi kusugnaa iyo sidoo kale ay halkaasi ku dhinteen dad badan oo isugu jira Arday iyo Rayid oo saarnaa gawaari PL ah oo xiligaasi goobta uu qaraxu ka dhacayya marayay

Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee Ex-Fiyoore waxaana halkaasi ku yaalay Baar iyo Goobo ganacsi oo gabi ahaan ku bur buray Qaraxa xoogan iyadoona dad badan oo waxyeelo kasoo gaartay Qaraxaasi ee ku gubteen halka kuwa kalana uu jirkooda cad cad u jar jarmay kuwaa oo dadki arkay ay ada ugu murgoon iskana ooyeen.

Muuqaalo laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya dhacdooyin xanuun badan oo indha aan loo dhameestiri Karin waxaana gurmadyo kala duwan u fidiyay dadkii wayeelada soo gaartay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada oo gawaarida Ambalaasta ah dadka ku qaaadayay.

Ma jirto cid sheegatay Weerarkan Ismiidamainta ah waxaasa loo badinaya ain ee ka danbveeyeen Dagaalamyaasha Al-Shabaab oo iyagu horey looga bartay Falalka nuucaan oo kala ah marar kala duwana ka fuliyay Magaalada Muqdisho.

qawmedia.com

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb